Recommended service: online dating |
|
Tuesday, 11 November 2008 |
Hargeysa (BC)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda hay’add lagu magacaabo Organic Solution oo ka mid ah hay’adaha Maraykanka ee ka taageera Horumarka Dunida Saddexaad. Madaxweynuhu , waxa uu ugu mahad naqay wefdigaasi booqashada ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u danaynayaan in ay ka taageeraan Mashaariicda horumarka ah ee uu dalku u baahan yahay. |
|
|
Saturday, 01 November 2008 |
|
Hargeysa (B) Ciidanka booliska ayaa maanta duhurkii gacanta ku dhigay shan iyo laba gaadhi oo lagu xidhiidhinayo qaraxyadii dadka badan ku dhinteen ee Arbacadii ka dhacay magaalada Hargeysa. |
|
|
Wednesday, 29 October 2008 |
|
HGA (BC) 20-qof oo ay ka mid yihiin xog-hayaha Madaxtooyada Somaliland Daahir Cali Iid, la taliyihii sharciga ee M/weynaha Xuseen Afgaab, Xildhibaan Libaaxo oo ka tirsanaa golaha guurtida, iyo Maxamed Yare oo ahaa xoghayihii golaha wasiirada ayaa geeriyooday, waxaa kale oo dhaawac ah shaqaale ka tirsan Madaxtooyada JSL oo ay ka mid yihiin taliyihii Askarta ciidanka madaxtooyada Abokor Sulub, Ibrahim Huutu oo ah madax sare oo ka tirsan sirdoonka qaranka, waxaa isna dhaawac ah Maxamed Ismail oo ka tirsan xafiiska xisaabaadka ee madaxtooyada. |
|
|
Tuesday, 28 October 2008 |
|
HGA (BC) Madaxweyne Xigeenka JSL mudane Axmed Yusuf yaasin aayaa maanta booqasho ku tagay Degmada Balay Cabane, waxaa halkaasi madaxweyne xigeenka ku soo dhaweeyey bulshada deegaanka Balay Cabane, cuqaasha, dhalin yarada,aqoon yahanka iyo dhaman bulshada deegaanka Degmada. |
|
|
Sunday, 26 October 2008 |
|
HGA (BC) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka Dib u Dejinta JSL ayaa gaadhay degmada balay Cabane. |
|
|
Sunday, 26 October 2008 |
|
Hargeysa (BC) Suldaanada sacad muuse oo ka kooban sided Suldaan ayaa socdaal culus ku tagay Degmada Balay Cabane, Salaadin waxaa hogaaminayay suldaanka guud ee Beelaha Sacad Muuse. |
|
|
Sunday, 24 August 2008 |
|
Hargeisa (BC) Wasiirka cusub ee wasaarada dib u dejinta JSL oo uu dhawaan magacaabay M/weynaha JSL mudane Daher Rayale kahin ayaa maanta xilkii la wareegay. |
|
|
Thursday, 21 August 2008 |
Hargeysa (BC)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin waxa uu Maanta Magacaabay Wasiirka Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland oo uu hore iskaga casilay Md Abshir Axmed Xasan, M/weyne Rayale wuxuu xilkaasi u magacaabay Eng: Maxamed yusuf Cisman (Dhambaal). |
|
|
Monday, 11 August 2008 |
|
Hargeysa (BC) Wasiirkii dub u dejinta qaranka JSL MD Abshir Ahmed Hassan ayaa xilkii uu ka hayay xukuumada JSL iska casilay maanta, sida uu xaqiijiyay war saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada JSL M/weyne Rayale wuxuu aqbalay istiqlaalada uu soo gudbiyay wasiir Abshir oo uu ku sheegay in uu duruufo u gaar isaga casilay xilkaasi. |
|
|
Sunday, 03 August 2008 |
|
Hargeysa (BC) Suldaanka guud ee Habar awal Suldaan C/risaaq Suldaan C/laahi oo Dalka dib ugu soo laabtay shalay galinkii Dambe. |
|
|
Sunday, 03 August 2008 |
|
Hargeysa (BC)- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo hool ah kaa soo lagu soo kordhiyey xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha. |
|
|
Saturday, 02 August 2008 |
|
Hargeysa (BC) Waxaa dib u habayn iyo dayac tir lagu bilaabay barkada weyn ee Degmada Balli Canod ee dawlada xarunteeda magaalada Balay Cabane. |
|
|
Saturday, 02 August 2008 |
|
Hargaysa (BC) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Ismaaciil Cali(Cirro) ayaa xallay xadhiga ka jaray dhismaha Hool cusub oo laga hirgeliyey Hotelka Summer Time ee magaalada Hargeisa,Wasiirku waxaa uu mahad naq gaara u soo jeediyey Mulkiilaha Hotelka Siciid Sh.Yuusuf ilaahayna uga baryay inuu u barakeeyo,waxaa uu Wasiirku si gaara u xusay Sh.uusuf oo uu tilmaamay inuu taariikh weyn dalka ku lahaa isagoo dalka dibadiisana looga mastaafuriyey dhaq dhaqaaqyo uu ummadiisa ugu tudhaayo wakhtiyadii dhaqdhaqaaqii lagaga soo horjeeday Xukuumadii Siyaad Barre,isagoo,Wasiirku waxaa uu dhalinyarada kula dardaarmay inay iska iska daayaan balwadaha oo ay ku daydaan horumarka uu sameeyey Siciid oo isagu ah nin dhalinyaro ah,Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay dhowaan Wasaarad haan soo bandhigi doonaan Waxqabadkii Dawladaha Hoose ee dalka,waxaana uu dadweynaha u soo jeediyey inay nabad gelyada ilaashadaan isagoo tilmaamay in nabadgelyadu Aas aas u tahay horumar kasta oo dal leeyahay. |
|
|
Saturday, 12 June 2004 |
|
Hargaysa (BC) Suldaan C/risaaq Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo ah Suldaanka Guud ee Beesha Habar Awal ayaa Maalinta Sabtida ah Dib ugu soo laabanaya Somaliland isaga oo ka soo kicitimaya Dalka Imaaraadka Carabta oo uu Daganaa Mudo ku dhaw 20 Sano. |
|
|
Monday, 06 October 2008 |
|
Waxaanu ku faraxsanahay booqashada aad na soo booqatay. Mareegta tan ballay Cabane waa mareeg horumarineed oo ka shaqaynaysa isku xidhka, horumarinta warxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Mareegtani waxay kor u qaadaysaa isku xidhnaanta jaaliyadaha kala duwan ee qurba jooga leh iyo dal joogaba. Waxay dhiiri galinaysaa kor u qaadaysaa waxbarashada bulshada deegaanka degmada Balli cabane. Waxay u gudbinaysaa qurba jooga waxqabadyada horumarineed ee deegaanka Degmadda balli Cabane, iyadoo warbixino la soo galin doono mareegtan. Waxaanu soo dhawaynaynaa dhamaan fikradaha horumarineed ee deegaanka Degmada. Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan jaaliyadaha qurba jooga deegaanka in ay nala soo xidhiidhaan si loo xoojiyo isku xidhnaanta, wada tashiga, wax wada qabsiga iyo horumarinta deegaanka iyagoo Email u soo diraya
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
. Ururka isku xidhka jaaliyadaha iyo horumarinta Ballay Cabane |
|
|
|
|
Warar/Warbixino |
|
|
|